Abuuraha Content-ka (Video, Graphics & Social)

$100 USD / bishii | Shaqo Remote ah | Full-time

Shirkadda

  • Hooy & Hanti (hooyiyohanti.so) waa platform oo isku xira dadka guryaha iibsanaya, kuwa kiraysanaya ee Soomaaliya iyo dallaal-yada guryaha/dhulaalka.
  • Waxaan nahay koox yar. Shaqadu waa remote, waxayna ku salaysan tahay hadaf-yo aan toddobaad kasta dejinno. Waxaan kaa filaynaa daacadnimo iyo hufnaan.

Shaqada aad Qaban Doonto

  • Duub oo edit garee video gaagaaban oo TikTok, Reels, Shorts ah, iwm.
  • Samee graphics loogu talagalay Facebook iyo Instagram
  • Qor blog posts
  • Qor captions Af-Soomaali ah
  • Samee video "How-To" ah oo dadka baraya sida platform-ka loo isticmaalo
  • Samee ad creative
  • Si toos ah ugu post-garee TikTok-ga, Facebook-ga, YouTube-ka, iyo Instagram-ka shirkadda — dhammaan channels-ka iyo pages-ka ayaa laguu furayaa
  • Ka soo qaybgal kulan toddobaadle ah, soona gudbi warbixintaada iyo su'aalahaaga
  • Adiga keliya ayaa marketing-ka kooxda u qaban doona

Shuruudaha Shaqada

  • Inaad si fiican u taqaanid video gaagaaban, graphics, iyo social media — tababar akadeemi ah waa ku filan yahay
  • Inaad kubedit garayn kartid taleefankaaga ama laptop-kaaga
  • Inaad qori kartid captions Soomaali ah oo cad
  • Inaad diyaar u tahay inaad koox yar la shaqayso oo aad ka qaybgasho kulan toddobaadle ah
  • Inaad heysatid Taleefan, laptop, iyo internet

La doorbidayo (Shardi Aheyn)

  • Inaad akhrin oo qori kartid English
  • Inaad turjumi kartid Soomaali iyo English labada dhinac

Dhiiri Gelin

  • Portfolio heer sare ah lagaama baahna.
  • Khibrad shaqo oo rasmi ah lagama baahna.
  • Waxaan aqbalaynaa nooc kasta oo shaqo ad qabatay: link TikTok / Facebook / Instagram ah, folder Google Drive ah, channel YouTube ah, screenshots, mashaariic akadeemi, ama shaqo aad u samaysay ganacsi, qoys ama saaxiib.
  • Haddii aad wax samaysay — soo dir. Taasi waa kuugu filan tahay.

Mushaarka & Jadwalka

  • $100 USD bishii. Mushaharka dib ayaa uga hishiin karnaa 3 bilood kadib.
  • Full-time: 8 saacadood maalintii, 5 maalmood toddobaadkii — Sabti ilaa Arbaco. Khamiis iyo Jimco waa waqtigaaga.
  • Jadwalku waa mid go'an, laakiin xoogaa dabacsanaan ah ayaa jirta iyadoo ku xiran hadaf-yada toddobaadkaas.
  • Shaqadu waa remote — meel kasta waad ka shaqayn kartaa, ilaa inta aad haysato internet wanaagsan.